Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Madaxtooyada Dalka Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa xoogga lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka  Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horomarka ee heer qaaradeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray maanta magaalada Nairobi halkaasoo uu kaga qeyb-galayo shirka Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee caalamka soo food saartay dhanka cimilada, taasoo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha dadka dalalka soo koraya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya  shirkan caalamiga ah ayaa soo bandhigi doonaa saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, isagoo muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday sanadihii u dambeeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan, si uu u xoojiyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.