Muqdisho (Xogsugan) - Maalmihii la soo dhaafay waxaa uu muran ka jiray maamulka hawada Soomaaliya, iyadoo la sheegay in Maamulka Soomaaliland ay la hadlayaan diyaaradaha dul mara hawada Soomaaliya iyagoo ku andacoonaya waxaan nahay Dowlad madax bannaan isla markaana maamulaneysa Hawada, dhulka iyo badda intaba.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Hargeysa oo dhowaan la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in 45 shaqaale xirfadley ah ay ku soo tababareen Dalka Itoobiya taasoo ay uga baxday qarash fara badan, hadda wixii ka dambeeyana ay maamuli doonaan hawadooda isla markaana ay muqdisho waxba uga baahneyn.

Sida aan xogta ku heleyno waxaa la damiyey aaladdii lagala hadli jiray diyaaradaha ee tiil Garoonka diyaaradaha Hargeysa oo gebi ahaanba aan shaqeyneyn.

Sidoo kale Maamulka Hawada ee Hey'adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed (HDRS) ayaa sheegtay in ay qaaddat tallaaboyin ay ku damisay qalabkii ay isticmaalayeen Soomaalilad, wixii hadda ka dambeeyana ma jiri doonto wax qal qal ah ee hawada Soomaali galbeed ama Soomaaliland.

"Waxaa lagala hadli doonaa dhamaan diyaaradaha dul mara hawada soomaaliya Muqdisho iaydoo la adeegsan doono Satellite Phone".

Waxaan ka wardhowreynaa jawaabta ay ka bixiso hargeysa hadalka ka soo yeeray Muqdisho.