Baraha bulshada dalka Kenya ayaa si weyn looga dareemay hadal heyn badan oo ka dhalatay magacyo diimeed loo bixiyay labo libaax oo lagu hayay beerta xayawaanka lagu xanaaneeyo ee ku taal galbeedka Bengal ee dallka Hindia

Mid kamid ah libaaxyada ayaa loogu magac daray ‘Ilaaha’ Hinduuga Sita, halka libaaxa kalena loogu magac daray Akbar, kaa loogu magac-daray boqor Mughal-kii qarnigii 16-aad, kaas oo ay neceb yihiin waddaniyiinta Hindiga ee mayalka adag.

Dad badan oo aragtiyo ka dhiibtay magacyada loo bixiyay labadan libaax ayaana siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, waxaana aragtiyada dadkan ay ahaayeen qaarkood kuwa naceyb abuurayay iyo kala fogaansho.

Maxkamad kutaalla dalka Hindia oo la geeyay kiiska libaaxdayan magacyadooda muranka dhaliyeen ayaa ku amartay beerta lagu xanaaneeyo libaaxyadan in ay si deg deg ah magacyada ka bedelo.

Maxkamadda ayaa soo saartay amarkaan kadib markii la tixgeliyey cabashada faraha badan ee ka timid dadweynaha, si loo dajiyo dadkaas ayaa la amray in magacyada laga beddelo labadaan libaax.