Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga niyad jabtay hadal uu ergeyga dawladda Soomaaliya ka jeediyay kulanka Qaramada Midoobay, kaasoo uu ku sheeay in heshiiskii is afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu la mid yahay iclaamin dagaal.

Ergeyga Itoobiya ee Qaramada Midoobay ayaa isna sheegay in hadalka uu argeyga Soomaaliya goobta ka jeediyay ay ka buuxeen “Been fara badan”.

Heshiiska bilowgii sanadkaan dhexmaray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo Itoobiya ee dhigaya in 20 kiilo mitir oo dhul badeed ah ay Itoobiya saldhig milatari ka samaysato ayaa si wayn uga caraysiiyay Dowladda Soomaaliya, waxa uuna sababay xiisad ka dhex dhalatay labada dal ee ilaa iyo hadda taagan.

Abuukar Cusmaan Baalle, ergeyga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa intii uu socday shirkii Golaha Amaanka, waxaa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay qorsheyneyso in ay goosato qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay ka dhisato saldhig milatari.

Itoobiya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in eedo aan dhamaad lahayn oo aan gar ahayn ay mar walba soo jeedinayaan madaxda Dowladda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay mar walba ku adkaysanayso in ay dooneyso in uu wanaagsanaado xiriirka labada dal ee walaalaha ah. 

Wasiirka difaaca Itoobiya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay doonayo in kor loo qaado iskaashiga labada dal, si looga faa’iido danaha ka dhaxeeya ee isaga xiran.

Laakiin safiirka Itoobiya ee hay'adda Qaramada Midoobay ayaa qiray, in heshiiskii is-afgarad ahaa ee dhex maray dalkiisa iyo Somaliland oo aysan aqoonsanayn wadamada caalamku uu yahay mid ugub ku ah dhaqamada caalamiga ah ee la yaqaano.

Balse wuxuu sheegay in uu la mid yahay heshiisyada dhex mara dawladaha ee fursadaha la isku siiyo badaha iyadoo heshiiskaas u dhaco kiro ama ijaar muddo cayiman ah.

“Itoobiya ma dooneyso in ay cidna dhibaato u geysato,” ayuu sii raaciyey, safiirka Itoobiya, isaga sheegay in heshiiska is-afgarad uu guul laba dhinac la ah u yahay labada dhanba, Itoobiyana siinayo fursad ay badda uga faa’iideysato.

Laakiin mowqifka Soomaaliya ee arrintaan ayaa mar walba cadaa, sida ay horay uga dhawaajiyeen madaxweynaha iyo masuuliyiin kalaba.

Safiir Abuukar Baale ayaa ka dhex sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, in tallaabooyinka ay ku dhaqaaqeyso Itoobiya ay yihiin kuwa horseedaya soo nooleynta argagixisada, sida ururka al Shabaab, sidoo kalana dhiirigalineysa kala qaybsanaanta qabiil ee ka jirta geeska Afrika.