Kiiska Siid Cali, inta badan bulshada Soomaaliyeed way la socdeen marxaladihii uu marayey ilaa maanta oo go'aan loo diray. 

Waxaana arrintaas sabab u ah in nooca falkaas (Nature of the case) uu ka duwanaa inta kiisaska kale ee la arki jiray inkastoo la yiraahdo fal dembiyeed kasta oo adduunka ka dhaca wuxuu leeyahay qaab (nature) u gaar ah. 

Kiiska Siid Cali intii aniga aan kala soconnay wuxuu ahaa kiis aad u culus, maxkamadduna si wanaagsan dhegaysiga uga bogatay una maaraysey habsami u socdka garmaqalka, inkastoo aan weli go'aan la gaarin. 

Balse dhinacyada dacwadda gaar ahaan Xeer ilaalinta iyo qareennadu mid walba doorkiisa meelaha qaar daciif ayuu ka ahaa, tusaale xeer ilaalintu dhanka baarista kiiska kama dhisnayn ee waa ku rafatay gaar ahaan sarkaalka baaraha ah oo kiiska ku raftay dhegaysigii hore, una muuqday in uusan gaarin baaritaannada kiisaska noocaan ah heerkii loo baahnaa. 

Sidoo kale Xeer ilaalintu dedaal ma yaraysan laakin doodda waa waxa ka micne dilay dadka maragga ah oo aysan si fiican uga soo fiirsan marag furkooda inuu saxan yahay oo sharciga waafaqsan yahay iyo in kale.

Dhanka qareennadu kiiskaan waxaa aad u caawin karay qodobka 24-aad XCS (2) oo ah kas dhaaf, maadaama eedaysanuhu ku andacooday inuusan doonayn in uu xaaskiisa dilo, laakin uu yiri waan carooday oo guriga ayaan rabey in aan gubo, gabadhuna sidaas ayey ku gubatay, meesha waxaa soo gelaysa kas dhaaf (pretre-intentional), laakin qodobkaas waxaan u maleynaa in uu ka hoos baxay oo xataa shareecada Islaamka way u cuskan kareen.

Qareennadu waxay doodda ku adkaysteen dembigaas eedaysanuhu ma gelin! Qareen Cali Xalane doodda ah gabadhu iyada ayaa is gubtay waxay ahayd dood qaanuuniyan jaban, bulshada iyo ehelka gabadha oo maxkamadda fadhiyey aan u fiicnayn. 

Ugu dambayn kiiskaas dooddii dhacday markii lagu saleeyo waa cad yahay go'aanka maxkamadda 95%  balse maxkamad wax walba waa laga fishaa.