Muqdisho (Xogsugan) – Afhayeenka Argagixisada Al-Shabaab Cali mujrim ayaa soo saaray farriin uu kaga hadlayo heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya ay la gashay Turkiga, isagoo cadeeyey inay si adag uga soo horjeedaan heshiiskaas.

Cali Dheere ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi aysan waxaba ku kala duwaneyn, maadaama labaduba ay badda ku kala wareejiyeen dowladaha Turkiga iyo Itoobiya.

Wuxuu ku dheeraaday muujinta naceybka ay Shabaab u qabaan Turkiga, isagoo heshiiskaan oo ah ‘mid difaac’ ku macneeyey ‘mid badda lagu siiyey Turkiga.

Sanadihii la soo dhaafay argagixisadu waxaa ku dhacay jab military iyo jab dhaqaale iyagoo waayey dhalinyaradii sida xaabada ay dabka ugu shubi jireen iyo dhaqaalihii carruurtooda ku nafaqeyn jireen kadib markii uu shacabku ogaaday beentooda iyo in la iska dhicin karo ayaa danta ku khasabtay in howdka geedaha hoostooda kaga dhuuntaan CQS ee JFS ee ay u adkeysan karin dharbaaxada ay ku dhuftaan cadowga umadda Soomaaliyeed.

Tani waxay Khawaarijtu u tahay fursad ay ku heli karaan dhallinyaro u dagaallanta iyagoo ku soo jiidanayo Itoobiya ayaa dalka ku soo duushay iwm.