Maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa xukun isugu jira xabsi iyo musaafuris ku riday in ka badan 100- haween ah oo lagu helay in carruurtooda ay u direen dawarsi sharci-darro ah.

Haweenkan oo lagu soo qab qabtay howl gal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayey ku qirteen in carruur ay dhaleen u direen si ay magaalada uga soo tuugsadaan, si ay u helaan lacago ay raashin iyo waxyaabo kale oo ay u baahnaayeen ku iibsadaan.

Maxkamada la saaray haweenkan ayaa sidoo kale ka mamnuucday haweenkaasi in ay dib ugu soo laabtaan magaalada, waxaana ay amartay in dib loogu celiyo degmada ay ku nool yihiin ee Napak ee waqooyiga Dalka Ugandha.

Qaar kamid ah haweenka xukunka lagu riday ayaa ka codsaday dowladda in ay cafis u fidiyaan, waxa ayna sheegeen in tuugsiga ay u direen carruurtooda sababtay baahiyo gaar ah ay kamid yihiin in raggii qabay dhinteen.

Dalka Uganda waxaa mamnuuc ka ah in carruurta yar yar ay dawarsadaan ama tuugsi waalidkooda u diraan, waxaana kasoo soo horjeeda sharciga xagga ilaalinta carruurta ee u degsan dalka Uganda.

Sida ay sheegeen haweenkaan waxay maxkamadda ka codsadeen in la daryeelo maadaama ay heystaan carruur agoon ah shaqo la'aan baahsanna ay ka jirto dalkooda, sidaas darteedna ay ku kalliftay in carruurta ay u diraan dawarsi si ay nolosha ugu dabaraan wixii ay soo helaan.